Labo Gudi Oo kawda tirsan labada Aqal ee baarlamanka oo kulan ku yeeshay Muqdisho

Kulan wadajir ah ayaa xalay waxaa ay Magaaladda Muqdisho ku yeesheen Gudiyadda joogtadda ah ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya waxaana kulankaasi si wada jir ah u shir Gudoomiyay Guddoomiyaasha Golaha Shacabka iyo kan Aqalka Sare.

Sidoo kale madasha waxaa goob joog ka ahaa ku-xigeenada labada Guddoomiye Cabdiwali Sheekh Ibraahim Muudeey iyo Abshir Bukhaari,waxaana kulanka uu ku saabsanaa xoojinta iyo wada Shaqeynta Baarlamaanka Federaalka Soomaaliyeed oo ka kooban Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare.

Kulanka ayaa waxaa ay uga wada hadleen sidii loo sameyn lahaa hal xeer hoosaad oo ay ku wada Shaqeeyaan labada Baarlamaan iyo sidii loo xoojin lahaa wadashaqeynta Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya oo bilihii la soo dhafay uu khilaaf ka dhaxeeyay wallow todobaad ka hor xal laga gaaray khilaafkaas.