Lacagta Shilinga Soomaalig oo laga diiday Gaalkacyo

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa waxa ay sheegayaan in maanta guud ahaan Magaaladaasi laga diiday in wax lagula iibsado Shilinga Soomaaliga.

Sidda ay xaqiijiyeen maamulka gobolka MudugĀ  arintaan ayaa timid ka dib markii maalmihii lasoo dhaafay lacago Faaliso ah lasoo galiyay Magaalada.

Ganacsatadda ayaa diiday Saaka in ay wax ka iibsadaan dadka wata Shilinga Soomaaliga.

Sababta ugu weyn oo ganacsatadu sidan u sameynayaan ayeey ku sheegeen in aysan kalsooni ku qabin lacagta shilin-ka Soomaaliga oo inteeda badan ay ku sheegeen been abuur ā€˜ā€™Falsoā€™ā€™ taa badalkeedana ay ka doorbideen in ay wax ku iibsadaan Doolar.

Tani waa dhibaato weyn oo soo food saartay dadka danyarta ah kaddib markii qeybo ka mid ah gobolka Mudug Doollar-ku noqday lacagta kaliya ee wax lagu kala iibsado.