Lafdagareen Oo Shacabka Somaaliyed ugu hanbalyeey Xuska 1da luulyo

Madaxweynaha Dowlad Goboleedyada Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed (laftagareen) oo ka qeyb galay munaasbad ka dhacday Baydhabo ayaa ka hadlay arrimo ku saabsan xaalada Soomaaliya.

Madaxweyne laftagareen waxaa uu sheegay in muddo 60 sano ah laga joogo xilligii ay Xorriyada qaadatay Soomaliya,balse 30 nabadeed iyo 30 dagaalo sokeeye iyo si dibaateyn.

Waxaa uu sheegay in xaalada cakiraan ee dalka Soomaaliya xilligaan ka jira ay keeneen Cadaalad darro iyo xaqiraad ay dadka dhexdooda isku sameynayaan,balse aan marnaba la wadin sidii looga gubdi lahaa.

Ugu dambeyn Madaxweynaha Dowlad Goboleedyada Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed (laftagareen) waxaa uu sheegay in dadka Soomaaliyeed looga baahan yahay inay ka gudbaan cqabadaha dhexdooda ah si horumar loo gaaro.