Lafta-gareen oo dib ugu laabtay baydhabo.

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo Wafdi uu Hogaaminayo ayaa dib ugu soo laabtay Xarunta ku meel gaarka u ah Dowladda Koonfur Galbeed ee magaalada Baydhabo

Wafdiga Madaxweynaha waxaa garoonka Diyaaradaha Dr Shaati-Gaduud ku soo dhaweeyey gudoomiye ku xigeenka 2-aad ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed Shamsa Maxamed Yarow, Wasiiro, Xildhibaano, Saraakiisha Hay’adaha Amniga iyo Qeybaha kala duwan Bushada.

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa subaxnimadii hore ee maanta ka duulay magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya halkaas uu ku sugnaa muddooyinkii u dambeeyey, ka hor inta uusan ka imaan magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Laftagareen ayaa Muqdisho inta uu kusgnaa la kulmay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), Wasiirka koowaad ee Xukuumadda Xamsa Cabdi Barre iyo qaar ka mid ah Golaha Wasiirrada.