Lafta-Gareen Oo Kulan La Qaatay Hay’addaha UN-Ka Ee Ka Howlgala Koonfur Galbeed

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbed Soomaaliya Mudane C/Casiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa ka qeyb galey Kulan uu soo qaban qaabiyay Madaxa UNSOM ee Magaalada Baydhabo Arnaud Laloum,

Kulanka ayaa u jeedadiisu ahayd isbarasho qeybaha UN-ta ee Magaalada Baydhabo oo kala ah UNSOM, UNCT UNMAS Iyo UNSOS iyo sidii maamulka KGS uu hoggaamiyo Madaxweyne C/Casiis Xasan iyo hay’adahaan loo sii xoojin lahaa wada shaqeyntooda.

Waxana ay soo bandhigeen hay’adaha UN-ka ee ka howl gala maamulka Koonfur Galbeed mashaariicdii ay horray usoo qabteen iyo kuwa ay rajeynayaan in ay qabtaan iyo sida ay ula shaqeynayaan hay’adaha kala duwan ee maamulka KGS.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya  ayaa ugu mahadceliyay hay’adaha UN-ka ee ka howlgala maamulka Koonfur Galbeed sida wanaagsan oo ay ula shaqeynayaan mar walba una garab taaganyihiin Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.