Lamaane Soomaali ah oo sheegay in ay ka badbaadeen doonidii ku degtay Xeebaha Talyaaniga.

Lamaane u dhashay Soomaaliya oo ka mid noqday dadkii ka badbaaday Doonidii dadka badan ku dhinteen.

Lamaane Soomaali ah ayaa kol hore la shaaciyey in ay ku dhinteen Doonidaasi, haddana balse goor dambe waxa soo baxay inay ka badbaadeen Doonida ku degtay Xeebaha Koonfurta Talyaaniga.

Asal ahaan Muhaajiriinta doonidii ay la socdeen waxay ka soo shiraacatay Xeebta magaalladda izmir ee Galbeedka dalka Turkiga.45 qof oo ay ku jiraan dhowr carruur ah ayaa la xaqiijiyey inay ku geeriyoodeen Doonidii ku degtay Xeebaha Koonfurta dalka Talyaaniga.

Doonidaasi waxaa la sheegay inay dhowr maalmood (4 ilaa 5 maalmood) ka hor ka soo shiraacatay Xeebta magaalladda Izmir ee Bariga dalka Turkiye, sida laga soo xigtay Muhaajiriinta badbaaday.

Waxay sheegeen inay ilaa 150 Muhaajiriin la socdeen Doonida, kuwaasi oo badankooda ka soo jeeday Iran, Afgaanistaan, Pakistan dhowr dal oo kale.

Doonida oo ahayd nooca Alwaaxa ee lagu Kalluumeysato ayaa waxay Waaberigii hore shalay ku burburtay meel u dhow Xeebta loo dalxiis tago ee Steccato di Cutro ee Gobolka Calabria.

Sida laga soo xigtay Manuela Curra oo ah Sarkaalad ka tirsan Maamulka Gobalka waxaa la badbaadiyey 81 Muhaajiriin oo 22 ka mid ah la dhigay Isbitaalka, halka 45 kalena ay ku geeriyoodeen Doonida degt