Lionel Messi & Luis Suarez Oo 53 Ilbidhiqsi Guuldaro Kaga Badbaadiyay Barcelona, Sevilla Oo Guul Ay Isku Hubtay Lumisay Iyo Rekoodhkii Guuldaro La’aanta Ee Balaugrana Oo Badaaday.

Kooxaha Barcelona iyo Sevilla ayaa kulan layaableh dhibcaha ku qaybsaday iyada kooxda martida loo ahaa ee Sevilla iska lumisay hogaan 2-0 ay ciyaarta ku maamulaysay intii ka horaysay daqiiqadii 88 aad laakiin laba gool oo ay u dhexaysay 53 ilbidhiqsi oo kaliyi ayay Luis Suarez iyo Lionel Messi oo kaydka ka soo baxay Sevilla kaga yaabsadeen si ay u sii ilaaliyaan rekoodhka guuldaro la’aanta La Liga ee Balaugrana.

Kooxda Sevilla ayaa isku haysatay in ay jeebka sare ku hubsatay saddexda dhibcood, wuxuuna qofkastaaba dareen sanaa in la soo gaadhay habeenkii ay Barcelona dhadhamin lahayd guuldarada La Liga ee xili ciyaareedkan laakiin ma rumaysan kartid qaabkii ay 53 ilbidhiqsi gudhii Suarez iyo Messi fikirkan ugu badaleen.

 

DAQIIQADII 36 aad kooxda Sevilla ayaa heshay goolka furitaanka ciyaarta ee ay ku jabisay ismari waagii daqiiqadaha badan soo taagnaa waxaana gool uu meel aad u dhow ka dhamaystiray Sevilla u saxiixay Franco Vazquez kaas oo caawin ka helay Correa  waxayna difaaca Barcelona Vazguez siiyeen banaan waali ah si uu goolkan u dhaliyo waxayna ciyaartu noqotay 1-0 ay Sevilla hogaanka kula wareegtay.

Kooxda martida loo ahaa ee Sevilla ayaa u muuqatay mid aad uga dhiiran Barcelona oo laga dareeyay cag culays iyo dhiiro la’aan waxayna kooxda Valvere ku dhibtoonaysay in ay abuurto fursadihii looga bartay iyada oo kooxda Sevilla sii waday in ay weeraro deg deg ah ku hesho goolka labaad.

Inkasta oo ay kooxa Valverde fursado fiican abuurtay qaybtii hore haddana waxay boqol mayl in ka badan ka fogayd qaab ciyaareedkii looga bartay taas oo Sevilla u ahayd mid muhiim ah.

Wax walba oo ay samaysay kooxda martida ahayd ee Barcelona waxay qaybtii hore awoodi wayday in ay ciyaarta ku soo laabtay waxayna si wayn u dareemaysay maqnaansha Sergio Busquets iyo Lionel Messi iyada oo xidigaha booskooda buuxiyay ayna yeelan saamayntii laga filayay.

Qaybtii hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1-0 ay Sevilla gacanta sare ku lahayd waxaana lays waydiinayay haddii rekoodhkii guuldarada la’aanta La Liga ee Barcelona uu kulankan ku soo dhamaanayo iyo haddii ay Balaugrana soo laaban karto.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii labaad Barcelona ayaa doonaysay in ay raadiso qaabkii ay ciyaarta ugu soo laaban lahayd laakiin kooxda Sevilla oo bandhig cajiib ah soo bandhigtay ayaa wali raadinaysay goolka labaad si ay xaalada ugu xumayso Barca.

DAQIIQADII 50 AAD Sevilla ayaa kaga dhabaysay riyadeedii ahayd in ay la timaado goolka labaad ka hor inta ayna Barcelona isku dayin in ay ciyaarta ku soo laabto waxaana goolka labaad ee muhiimada wayn u lahaa u saxiixa Luis Correa kaas oo ka faa’idaystay kubbad uu goolhaye Ter Stegen ka badbaadiyay Vazguez waxayna ciyaartu noqotay 2-0 ay Sevilla hogaanka ciyaarta ku dheeraysatay.

DAQIIQADII 58 AAD Valverde ayaa kaydka uga yeedhay Lionel Messi si uu iskugu dayo in uu guuldaro ka badbaadin karo xili kooxdiisa xaalada lagu xumeeyay waxaana la saaray Ousamane Dembele oo ku fashilmay in uu masuuliyada la saaray ka soo baxo.

DAQIIQADII 61 AAD BIRTA GOOLKA! Barcelona ayaa ugu dhawaatay in ay ciyaarta dib ugu soo laabto oo ay hesho goolkeeda furitaanka laakiin kubbad ay iska kaashadeen Alba iyo Luis Suarez ayaa birta goolka ku dhacday iyada oo Suarez uu nasiib xumo wayni ku dhacday.

Sevilla ayaan wax difaacahso buuxda ah galin waxayna kalsooni fiican ka heshay qaab ciyaareedka liitay ee Barcelona iyo in ay heshay goolka labaad waxayna bilawday in ay ka fikirto sidii ay ciyaarta hurdada ugu diri lahayd ee ay goolka saddexaad u raadin lahayd.

DAQIIQADII 77 AAD Valverde ayaa kooxdiisa ku soo xoojiyay Denis Suárez  wuxuuna saaray Paulinho laakiin wali kooxda Valverde ayaa garan la’ayd qaabkii ay ku gaadhi lahayd shabaqa Sevilla.

Kooxda Sevilla ayaa muujisay sababta ay u soo gaadhay siddeed dhamaadka UEFA Champions league waxayan fariin cusub u sii diraysay kooxda Bayern Munich iyada oo nooc kasta oo dhibaato ah ku abuuraysay Barcelona oo ay waliba laba gool ku lahayd.

DAQIIQADII 87 AAD BIRTA GOOLKA!! Ivan Rakitic ayaa markale birta u garaacay kooxdiisii hore ee Sevilla waxaana sii socotay nasiib xumada Barcelona iyada oo markale seegtay fursad gool cadaan ah loo fishay.

DAQIIQADII 88 AAD Luis Suarez ayaa waqti aad u danbeeyay kooxdiisa ciyaarta dib ugu soo celiyay isaga oo dhaliyay goolka xaalada waalida ah garoonka ka abuuray, wuxuuna Suarez goolkan ku toosiyay kooxdiisa dhibatay ee la aasay isla markaana u muuqatay in ay guuldaraysatay wuxuuna ciyaarta Suarez ka dhigay 2-1 ay Sevilla hogaanka ku hayso iyada oo 2 daqiiqo in ka yari hadhsan tahay.

DAQIIQIIQADII 89 AAD Alla Maxay waali ahayd! Lionel Messi ayaa si layaableh indhaa u xaday kadib markii uu isla hal daqiiqo oo kaliya kooxdiisa ciyaarta si buuxda ugu soo celiyay isaga oo kubbad uu ka helay Philippe Coutinho  si cajiib ah ugu garaacay goolka Sevilla, wuxuuna Messi ciyaarta ka dhigay barbaro 2-2 ah!.

Saddex daqiiqo oo xidhiidh ah ayay Barcelona inta ay birta garaacday haddana laba gool dhalisay waxayna Sevilla noqotay mid khasaarisay tacabkii iyo shaqadii layaabka lahayd ee ay guusha ugu qalantay laakiin Luis Suarez iyo Lionel Messi ayaaa ka diiday in ay guuldaro la kulanto kooxdoodu markii ugu horaysay horyaalka La liga xili ciyaareedkan.

Sevilla ayaa wadnaha farta ugu haysay in gabi ahaanba ay guuldaro la kulanto kulan ay 2-0 hogaanka ciyaarta ku haysay intii ka horaysay daqiiqadii 88 aad laakiin labada gool ee ay dhaliyeen Suarez iyo Messi waxaa u dhexeeyay 53 ilbidhiqsi oo kaliya.

Astaanta ay Barcelona muusay ayaa ah tan ay taariikhda kubbada cagtu sheegayso in ay tahay calaamadaha lagu garto koox Champions ah. Laakiin Lionel Messi oo aan xaalad taam ahaansho buuxa ku jirin ayaa sabab u noqtay in kulankii 30 aad oo xidhidh ah ayna Barca guuldaro ku arag La Liga xili ciyaareedkan.