Lionel Messi Oo Barbareeyay Rikoor 68-Sanadood U Yaalay Copa del Rey, Maxaase Iska Badalay Rikoorkiisa Goolasha Sevilla?

Inkastoo hadal heynta Final-kii Copa del Rey ee xalay uu heysto Andreas Iniesta oo u muuqday mid gool ku macsalaameeyay kooxdiisa nolosha ee Barcelona, hadana Lionel Messi ayaa barbareeyay rikoor 68-sano u yaalay Copa del Rey.

Weeraryahanka Barcelona wuxuu barbareeyay rikoor uu horay u dhigay Telmo Zara oo ku qotoma tirada goolasha laga dhaliyo final-ka Copa del Rey, sidoo kalana xalay wuxuu soo bandhigay bandhig cajiib ah maadaama uu sidoo kale gacan ka geystay labada gool ee Luis Suarez iyo Andreas Iniesta.

Lionel Messi wuxuu Estadio Wanda Metropolitano ku ciyaaray xalay qeyb yar oo ka mid ah taariikhdiisa isagoo la tirsan kara halyeeygii hore Spain Telmo Zarra kaas oo ah shaqsi aad looga sharfo horyaalka La Liga iyo guud ahaan tartamada maxaliga ah.

Qeybtii hore goolka uu dhaliyay wuxuu kaga dhignaa Lionel Messi inuu shabaqa soo taabsiiyay goolkiisii 6-aad ee kama dambeysta, waana tiro la mid ah Telmo Zarra, sidoo kalana waa final-kii shanaad oo uu gool dhalinayo.

Ciyaariyahanka kasoo qalin jabiyay kuleejada La Masia ayaa joogteeyay qaabka wacan ee xilli ciyaareedkaan wuxuuna ka dhaliyay Sevilla goolkiisii 32-aad, isagoo wajahay 34-kulan.