Lionel Messi Oo Dhaliyay 600-Gool – Kooxda Ugu Badan, Tartanka Ugu Badan & Wax Walba Oo Ku Saabsan Goolashiisa Heer Koox Ilaa Heer Qaran.

Lionel Messi ayaa dhaliyay goolkiisii 600-aad ee taariikhdiisa kulan ay kooxdiisa guul weyn ka heshay Atletico Madrid, wuxuu shabaqa Jan Oblak dhaafsiiyay laad xor ah oo cajiib ah taasoo u sahashay inuu rikoor ku talaabsado xidiga reer Argentina.

Lionel Messi wuxuu kooxdiisa ka saaciday iney mar kale si dhib yar u daboosho hadal heyntii la galiyay hadii ay ku guuleysan karaan horyaalka La Liga, tirada goolasha ee la sheegay waa wadar ahaan kooxda iyo qaranka – Barcelona wuxuu u dhaliyay 539, halka uu Argentina u dhaliyay 61-goo, waxeyna ku qaadatay wadar ahaan inuu intaas ku gaaro kaliya 747 kulan, laadkii xorta ahaa ee uu dhaliyay xalayna wuxuu ahaa goolkiisii 32-aad oo uu kooxdiisa u dhaliyo dhamaan tartamada oo dhan xilli ciyaareedkaan.

Lionel Messi mudada uu ku jiray waayahiisa goolasha kooxda uu goolasha ugu badan ka dhaliyay waa Sevilla, isagoo ka xareeyay 29-gool, sidoo kale kooxda Diego Simeone ayaa kusoo xigta oo uu ka dhaliyay xalay goolkii 28-aad ee waayahiisa.

Sidoo kale wuxuu dhaliyay 38-laad xor ah, rikoorkiisa ugu weyn ee hal kulan loo hayo waa inuu shan gool ka dhaliyay Bayer Leverkusen March 7, 2012.

 

Lionel Messi wuxuu goor hore noqday xidiga ugu goolasha badan Barcelona, kan ugu goolasha badan La Liga iyo kan ugu goolasha badan Argentina.

Kulankii Girona wuxuu caawiyay gool uu dhaliyay Luis Suarez, waxeyna u aheyd mid weyn maadaama uu ku noqday kan ugu caawinta badan La Liga (148) waqtiga oo dhan isagoo kala wareegay Michel oo 147 caawin ku heystay.

Sidee Ayuu Goolasha Ku Dhaliyay:

Lugta Bidix: 496-gool

Lugta midig: 78-gool

Madaxa: 24-gool

Meelaha kale: 2-gool

Rigoorada: 77-gool

Laadadka xorta ah: 38-gool

Gudaha Xerada Ganaaxa: 504

Banaanka Xerada Ganaaxa: 96-gool

Tartamada Iyo sida uu goolasha ugu dhaliyay:

La Liga: 373-gool

Champions League: 98-gool

Copa del Rey: 47-gool

Spanish Super Cup: 13-gool

European Super Cup: 3-gool

Club World Cup: 5-gool

Copa America: 8-gool

World Cup: 5-gool

Isreeb-reebka K/. Aduunka: 21-gool

Saaxiibtinimo: 27-gool