Liverpool Oo Isku Dayeysa Mar Kale Lemar, Enrique Oo Badalaya Conte & Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda Maanta Oo Khamiis Ah.

Maalin wanaagsan akhristayaasheena sharafta leh meel kasta oo aad joogtaan ku soo dhawaada barnaamijkeena maalinlaha ah ee aan idin kula socodsiino wararkii ugu danbeeyay ee suuqa kala iibsiga ay qoreen wargeysyada Yuruba ka soo baxa.

Waxaa soo xirmay suuqa kala iibsiga bisha Janaayo iyadoo kooxaha kubada cagta Yurub ay mid walba ula falgashay sidii ula habooneyd. Xaqiiqda wararkaan mas’uul kama ah Radio Galgaduud, waxaana xuquuqdooda iska leh wargeysyada ku hor qoran.

Liverpool ayaa isku diyaarineysa iney mar labaad u dhaqaaqdo 22-jirka Monaco Thomas Lemar kadib markii uu iska diiday heshiis cusub oo uu kooxdiisa u saxiixo. (Independent)

Tababarahii hore Barcelona Luis Enrique ayaa ugu cad-cad inuu shaqada Chelsea ka badalo Antonio Conte isagoo isku diyaarinaya inuu England usoo guro. (Telegraph)

Pep Guardiola ayaan soo celin doonin xiisahii uu u qabay Riyad Mahrez oo ay ku hungoobeen bishii January marka la gaaro xagaaga soo aadan. (Mirror)

Tottenham Hotspur ayaa xiiseyneysa saxiixa 25-jirka reer France ee ka tirsan Watford Abdoulaye Doucoure xagaaga soo aadan. (Mail)

Xidiga reer Brazil Fabinho oo 24-jir ah ayaa shaaca ka qaaday inuu dhamaaday waqtigiisa Monaco iyadoo Red Devils ay xagaagii lasoo dhaafay xiiso u qabtay. (Metro)

Kooxda reer China ee Hebei China Fortune ayaa isku diyaarineysa iney dalab kale ka gudbiso Lionel Messi oo 30-jir ah maadaama uu sanadkii hore iska diiday. (Mundo Deportivo)

Tababarahii hore Shakhtar Donetsk Mircea Lucescu ayaa shaaca ka qaaday in xiidga reer Brazil Fred kooxdiisa xigta ay tahay Manchester City.

Henrikh Mkhitaryan ayaa ka dambeeyay in Pierre-Emerick Aubameyang oo 28-jir ah uu kusoo biiro Arsenal bishii January, kadib markii uu taleefoonka kasoo wacay. (Sky Sports)