Lixda Ciyaaryahan Ee U Sharraxan Laacibka Bishii Maarso Ee Premier League Oo Lagu Dhawaaqay

Premier League iyo EA Sports waxa ay ku dhawaaqeen lixda laacib ee ku tartami doona ciyaaryahankii ugu wacnaa bishii Maarso.

Liverpool, Tottenham, Manchester City iyo Manchester United dhammaan laacibiin ayey ku leeyihiin liiska tartanka ku jira.

Weeraryahnaka Tottenham iyo garabka Liverpool Harry Kane iyo Mohamed Salah laba jeer ayuu mid walba ku guuleystay xilli ciyaareedkan.

Sadio Mane waxa uu ku qaatay isna bandhigiisii bishii August halka xiddigaha City Leroy Sane and Sergio Aguero ay mid hal jeer ku guuleysteen.

Kane waxa uu tirada ugu badan kala simanyahay Steve Gerrad oo ah lix jeer.

 XIDDIGAHA SHARRAXAN

1.Mohamed Salah

2.David Silva

3.Cenk Tosun  (Everton)

4.Romelu Lukaku

5.Chris Wood (Burnley)

6.Son Heung-min