Luis Suarez Oo Doonaya Inuu Antoine Griezmann Soo Gaaro Camp Nou – Miyuu U Baqayaa Booskiisa Camp Nou Inuu La Wareego?

Barcelona ayaa si weyn loola xiriirinayaa Antoine Griezmann, balse durba Luis Suarez ayaa u muuqda mid si hordhac ah u cadeeyay inuu xidigaan imaanayo garoonka Camp Nou.

Luis Suarez oo noqday mid ka mid ah halbowlayaasha kooxda Balaugrana ayaa wareysi uu siinayay warbaahinta dalkiisa Uruguay ku xaqiijiyay inuu soo dhaweynayay xiddiga reer France isla markaana aysan jirin cabsi uu ka qabo inuu booskiisa dhaxlo.

“Barcelona waxey mar walba keentaa ciyaartoy tayo leh sida Griezmann, Coutinho iyo Dembele, waa ciyaartoy leh tayo wanaagsan, wuxuuna sanadahii ugu dambeeyay ku jiray heer sare” ayuu yiri Suarez oo la hadlayay Radio Uruguay.

“Waa hogaamiyaha weerarka Atletico Madrid, waa wax muhiim ah, halkaan waan lagu soo dhaweynayaa, uma imaan inuu qofna kala wareego booska, balse wuxuu ku hami weyn yahay inuu wax muhiim ah u sameeyo kooxda ugu wanaagsan dunida”

“Waa wax weyn inaan arko keenista ciyaartoyda tayo leh sidiisa oo kale”

Idaacadda Marca ayaa shaaca ka qaaday bishii Maarso ee lasoo dhaafay in Barcelona aysan u sahlaneyn iney keento Griezmann maadaama ay ku qasban tahay iney iibiso sadex ka mid ah ciyaartoydeeda.