Luka Modric Oo Dhexda Kasoo Galay Doodda Ku Saabsan Cidda Wanaagsan Cristiano Ronado Iyo Lionel Messi – Miyuuse Kala Sarreysiiyay Labada Xiddig?

Kabtanka Croatia Luka Modric ayaa wax laga weydiiyay arrimo ku saabsan labada xidig ee dunidaan iska maamulayay tobankii sano ee lasoo dhaafay, balse wuxuu kaga jawaab celiyay si caaqilnimo ah.

Ronaldo iyo Messi waxey si talan-taalli ah ugu guuleysteen abaalmarinada ugu sarreeya kubadda cagta ee Ballon d’Or iyo FIFA The Best tan sanadkii 2008 markaas oo ay si fiican isku bareen aduunka kubadda cagta.

Modric wuxuu ku sugan yahay muddo 6-sanadood ah kooxda Real Madrid isagoo kula guuleystay koobka horyaalada yurub tiro sadex jeer ah sidoo kalana kula guuleystay La Liga.

“Labadooda [Ronaldo iyo Messi] waa laba ciyaartoy oo waaweyn” ayuu yiri Luka Modric oo la hadlayay SVT Sport.

“Waxe ku xiran tahay sida ay dadka u dhadhamiyaan guulahoosa, kan wanaagsan iyo kan kalaba”

“Ma doonayo inaan is barbardhigo labadooda, balse Real Madrid ahaan, waxaa kan ugu fiican ah Cristiano Ronaldo” ayuu yiri Luka oo qof walba dareensiinaya in saaxiibkiisa kooxda uu yahay kan mar walba wanaagsan.