Maadxweyanaha jubbland Oo Warbixin kadhgeystay Golihiisa Wasiiradda

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta shir gudoomiyay kulanka caadiga ah ee golaha Xukuumada.

Golaha ayaa maanta Warbixin ka dhagaystay Gudiga dhaqaalaha iyo uruurinta Dakhliga iyadoo golahu uu turxaan bixin ku sameeyay ilaha ay tahay in xooga la saaro iyadoo gudiguna uu soo gudbiyay caqabadaha ay ilaa hada la kulmeen.

Dhinaca kale Wasaaradaha Maaliyada iyo Arimaha gudaha ayaa sharaxay isbadalo iyo dib u habayn ay ku sameeyeen qaar kamid ah hanaanka Maaliyadeed iyo Maamul ee Magaalooyin dhowr ah oo Jubbaland kamid ah kuwaas oo hormar laga sameeyay.

Inta uu kulanku socday waxaa ay golahu Ansixiyeen Xeerka biyaha iyo Siyaasad wada shaqaynta Dowlada iyo Hay’adaha gaarka loo leeyahay kaas oo maalmahii lasoo dhaafay golahu uu ka doodayay.

Xeerkan ayaa muhiim u ah maaraynta Siyaasada biyaha iyo wada shaqaynta Hay’adaha gaarka loo leeyahay iyo Dowlada iyadoo mar walba shaqooyinka ay Hay’adahan qabanayaan ay Dowladu kor joogtaynayso.