Maadxweynaha Galmududg oo hamlayo ku aadan u diray Maalinta Dhalinyarada Soomaaliyeed ee 15 MAY.

Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa hambalyo u diray dhallinyarada Soomaaliyeed munaasabadda xuska maalinka dhallinyarada Soomaaliyeed iyo yagleeliddii SYL oo laga joogo 80 sano.

Madaxweynahu wuxuu ammaanay kaalinta dhallinyarada ay kaga jiraan mucjatama Soomaaliyeed wuxuuna yiri “ Waxaan u hambalyeynayaa dhallinyarada Soomaaliyeed maaddaama ay ku beegantahay maalinkoodii iyo xuska aasaaskii ururkii xornimo doonka ahaa ee SYL. Dhallinyaradu waa lafta dhabarta ummadda Soomaaliyeed, waxeyna mudanyihiin ammaan iyo bogaadin ka badan maalin kaliya”
Dhammaad