WAR-SAXAAFADEED
Iyadoo la xusayo Maalinta Caalamiga ah ee Haweenka, QM waxay haweenka Soomaaliyeed ugu hambalyaynaysaa kaalinta ay ka qaadanayaan dhisidda Soomaaliya wanaagsan
Muqdisho, 8 Maarso 2023 – Munaasabadda Maalinta Haweenka Adduunka awgeed, Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa maanta haweenka Soomaaliyeed ugu hambalyeysay kaalinta joogtada ah ee ay ka qaadanayaan horumarka dalkooda.
“Laga billaabo dadaallada nabadaynta iyo dib-u-heshiisiinta, hawlaha xasilinta deegaannadii dhawaan lagala wareegay gacan ku haynta Al-Shabaab iyo gurmadkabini’aadantinimo ee abaaraha hadda jira – haweenka Soomaaliyeed waxay wadaan inay si mug leh uga qaybqaataan dhammaan dhinacyada nolosha bulshadana,” ayay tiri Ku Xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Anita Kiki Gbeho. Kaalinta ay Haweenka Soomaaliyeed qaadanayaan waxaa ka mid ah inay abaabuleen bixinta taageero bani’aadanimo – sida cuntada iyo sahayda kale ee muhiimka ah, iyo hoyga – ee la siiyo dadka ay saameeyeen colaadaha iyo abaarta daba dheeraatay.
Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay aqoonsan tahay dadaallada socda ee haweenka Soomaaliyeed ee sannadaha socday, waxayna ku boorinaysaa dhammaan saamilleyda Soomaaliyeed, gaar ahaan madaxda dalka, inay xaqiijiyaan in haweenka si ballaaran uga mid noqdaan, cod ku yeeshaan kana qaybgalaan dhammaan hay’adaha heer qaran iyo heer dowlad-goboleed taasoo ka mid ah dadaallada lagu xaqiijinayo laguna joogteynayo nabadda, barwaaqada iyo horumarka Soomaaliya.
Mowduuca Maalinta Caalamiga ah ee Haweenka ee sanadkan waa ‘DhijitaalDHAMMAAN: Hal-abuur iyo Farsamo Tiknooloji ee Sinnaanta Jinsiga,’ waxayna ujeedadeedu tahay in hoosta laga xarriiqo muhiimadda tiknoolojiyada dhijitaalka ah oo fursad u ah in la yareeyo farqiga jinsiga iyadoo kor loo qaadayo fursadaha ay haweenku helaan. Haddii haweenku aysan awoodin inay helaan internetka oo aysan badqab dareemin marka ay ku jiraan baraha internetka, ma awoodi doonaan inay horumariyaan xirfadaha dhijitaalka ah ee lagama maarmaanka u ah inay dadka kula xiriiraan saaxadaha dhijitaalka.
Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay haweenka Soomaaliyeed ku dhiirigelinaysaa inay tiknoolojiyada ku adeegsadaan shaqadooda si ay gacan uga geystaan dhisidda Soomaaliya wanaagsan. Heerarka isticmaalka internetka ee Soomaaliya ayaa sare u sii kacayay sannadihii la soo dhaafay, wuxuuna hadda marayaa 13.7 boqolkiiba ee tirada guud ee dadka billowgii sanadkii 2022, sida ay sheegtay shirkadda dabagalka isticmaalka dhijitaalka ee DataReportal.
Maalinta caalamiga ah ee Haweenka ayaa caalamka laga xusayay tan iyo sanadkii 1975-tii markaasoo ay Qaramada Midoobay ay billowday xuska maalintan, si loogu dabaaldego guulaha bulsho, dhaqaale, dhaqan iyo siyaasadeed ee haweenka. Maalinu waxay muujinaysaa baaqa waxqabad ee dardargelinta sinnaanta jinsiga.
PRESS STATEMENT
On International Women’s Day, UN congratulates Somali women for their contribution to building a better Somalia
Mogadishu, 8 March 2023 – On the occasion of International Women’s Day, the United Nations in Somalia today congratulated Somali women for their continued contributions to their country’s development.
“From peacebuilding and reconciliation efforts, to the stabilization activities in areas recently recovered from Al-Shabaab control and the humanitarian response to the ongoing drought – Somali women continue to contribute significantly in all facets of public life,” said the UN Secretary-General’s Deputy Special Representative for Somalia, Anita Kiki Gbeho. Somali women’s contributions include organising the provision of humanitarian support – such as food and other essential supplies, and accommodation – for people affected by conflict and the long-running drought.
The United Nations in Somalia recognises the ongoing efforts of Somali women over the years and urges all Somali stakeholders, particularly the country’s leaders, to ensure greater inclusion, voice and participation of women in all national and state-level bodies as part of efforts to realise and sustain peace, prosperity and development in Somalia.
The theme for this year’s International Women’s Day is ‘DigitALL: Innovation and Technology for Gender Equality,’ and aims to highlight the importance of digital technology as an opportunity to narrow gender gaps by enhancing women’s access. If women are unable to access the Internet and do not feel safe online, they will not be able to develop the necessary digital skills to engage in digital spaces.
The United Nations in Somalia encourages Somali women to embrace the use of technology in their work to help build a better Somalia. Somalia’s rate of internet usage has been climbing steadily over the past few years and rose by 16.4 per cent from 2021 to 2022, according to digital usage tracking firm DataReportal.
International Women’s Day has been observed around the world since 1975 when the United Nations started making the occasion to celebrate the social, economic, cultural and political achievements of women. The day marks a call to action for accelerating gender equality.