Maalinta Ciidamada Asluubta soomaaliyed oo lagu xusayo magaalada muqdisho

Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya, waxaa maanta lagu qabanaya munaasabad lagu xusaayo 48-sano guuradii ka soo wareegatay Markii la aas aasay Ciidanka Asluubta.

Munaasabadan ayaa waxaa ka qeyb galaya Madax ka tirsan Dowladda Federaalka , iyo Taliyeyaasha Ciidamada.

Taliyaha Ciidamada Asluubta Sareeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) ayaa horay u sheegay   in Ciidamada Asluubta ay ku sugan yihiin daruufo marka loo eego ilaalinta xabsiyada ay gacanta ku hayaan iyo Miisaaniyad weyn oo Dowladdu aysan ugu talagelin Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.

22 febaraayo ayaa la xusaa Aasaaska ciidamada Asluubta sanad walba.

Ciidamada Asluubta ayaa shaqadooda waxa ay tahay ilaalinta Xabsiyadda, Agoonta iyo Daryeelka Maxaabiista.