Maalinta Qaxootiga Aduunka Oo Somaaliya Laga Xusayo

Maanta oo Taariikhdu ku began tahay 20 Bisha June waxaana Maanta oo kale Dunida laga xusaa Maalinta Qaxootiga Aduunka,waxana dalalka laga xusayo ka mid ah dalka Soomaaliya.

Magalada Muqdisho iyo qaar ka mid ah Gobolada dalka Soomaaliya ayaa la filayaa in Maanta lagu qabto Munaasabado lagu xusayo Maalinta Qaxootiga Aduunka,waxaana ka qeyb geli doona Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Munaasabadda inta ay socoto ayaa waxaa lagu soo bandhigi doonaa dhibaatooyinka xilligaan heysta qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool dalka Dibadiisa iyo sida ay uga gudbi karaan.

Qaar ka mid ah gobolada dalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in lagu qabto munaasabada Maalinta Qaxootiga Aduunka,waxaana ka qeyb geli doona mas’uuliyiin ka socda Dowlad Goboleedyada.

Soomaaliya ayaa kaalmaha hore waxaa ay kaga jirtaa dadyoowga ugu badan Ee Qaxootiga ah,waxaana Soomaali farabadan oo ka qaxay dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacay ay ku sugan yihiin daafaha Caalamka haba ugu badnaatee wadamada deriska ah.

Xerooyinka ay qaxootiga ugu badan ee Soomaaliyeed ay ku nool yihiin ayaa waxaa ka mid ah ah Xerada Dhadhaab ee dalka Kenya,iyada oo dowladda Kenya horaantii sanadkaan ay sheegtay in Bisha Agoosto ee isla sanadkaan ay xireyso xeradaas.