Maalinta Xorriyadda Saxaafadda Oo laga Xusayo Meelo Badan Oo Caalamka Kamid ah

Bishan May 3-da waxaa sannad kasta lagu maamusaa Maalinta Xorriyadda Suuxfiyiinta Caalamka (World Press Freedom Day).

Magalada Muqdisho iyo qaar ka mid ah gobolada dalka Soomaaliya ayaa Maanta la filayaa in laga xuso Maalinta Xorriyadda Saxaafadda Caalamka,iyada oo ay Munaasabado dhigi doonaan Ururada Saxaafadda Soomaaliya ee dalka ka jira

Ahaanshaha Saxafi ayaana ah Hawsha ugu khatarta badan, iyadoo Suxufiyiin badan lagu dilo, lagu dhaawaco ama lagu afduubto qaar ka mid ah Dalalka Caalamka.

Tan iyo sannadkii 1992-kii, waxaa la dilay Saxafiyiin tiradoodu dhan tahay 1,290 Saxafi

Waxaa nolol ama geeri lagu la’ yahay 58 Saxafi.

Sannadkii 2009-kii ayaana ugu dhimasho badnaa marka loo eego sannadaha kale, iyadoo la dilay 76 Saxafi.

Hay’adda Badbaadinta Suxufiyiinta ee CPJ ayaa diiwaan-gelisay tiraadda Suxufiyiinta sannad kasta lagu dilo dalalka Caalamka.