Magaalada Laascaanood e Xarunta gobolka Sool waxaa maalintii Afaraad ka socda dagaal u dhexeeya Ciidamadda Soomaliland iyo dadka degaanka.
Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu ka soconaya Gooje Cadde oo Ciidamadda Soomaliland Fariisin ay ku leeyihiin isalamarkaana 5 Kiiloomitir u jira Magaalaada Laascaanood.
Xaafadaha ku yaala Magaalada Laascaanood ayaa lagu soo warramayaa in madaafiic ay ku dhaceyso in kastoo aan laogeyn khasaare ka dhashay balse Dadka shacabka ah ayaa intooda badan isaga barakacay Magaaladaasi.
Xaaladda Laascaanood ayaa Cakiran , waxaana sii kordhaya qasaaraha ka dhashay dagaallada ka socdo magaaladaasi.
Ma muuqdaan dadaalo lagu xalinayo Dagaalka Magaalada Laascaano, Maamulka Soomaliland ayaa sheegay in ay dagaalka kula jiraan kooxo Argagaxisa ah oo halkaasi ku sugan, dhanka Dadka deegaanka ee Soomaaliland kula dagaalamaya Laascaano waxa ay sheegeen in ay si difaacayaan isla markaasne aysan dooneyn in Somaliland maamulkooda hoostagaan