Maaliyadda Ay Real Madrid Ku Ciyaari Doonto Champions League-ga Xilli Ciyaareedka Dambe Oo Si Qarsoodi Ah Loo Helay.

Real Madrid ayaa laga filayaa iney xilli ciyaareedka dambe dib usoo celiso maaliyaddii dooqa sadeexaad oo ay horyaalka La Ligaku hanatay sanadkii 2012 markaas oo ay hoos joogeen taliskii Jose Mourinho.

Waxaa si qarsoodi ah loo helay maaliyadda sadexaad ee laga yaabo iney tartanka UEFA Champions League u isticmaasho Real Madrid, inyar oo casriyeyn ah ayaa loo sameeyay waana qaab qurux badan oo soo jiidasho leh.

Maaliyadda garbaha waxaa ka muuqdo diilmo loogu tala galay in lagu qurxiyo iyadoo calaamadda kooxda iyo midda shirkadda Adidas lagu dhajiyay xabadka, iyadoon laga saareynin meesha in qoorta loo qurxiyo qaabka (V-da).

Sidoo kale jaakadda ayaa iyana loo qurxiyay si la mid ah walow labada calaamad ee kooxda iyo Shirkadda labada gees la geeyay, hadana garbaha waa qaab la mid ah maaliyada.

Sawirada lasoo xaday waxaa lasoo galiyay website-ka FootyHeadlines, balse wali lama xaqiijin iney tahay middii rasmiga aheyd inkasto webkaan aad loogu yaqanno inuu helo macluumaadka qarsoon ee ku hareereysan kooxaha dunida.