Maamuka SSC-Khaatumo oo ka hadashay Gantaal Deegaanadooda ku dhacay.

Maamulka KMG ah ee SSC-Khaatumo ayaa ka hadlay wararka ku saabsan ‘gantaal’ la sheegay inuu Jimcihii kusoo dhacay agagaarka magaalada Taleex ee gobolka Sool arrintaas oo si wayn u qabsatay baraha bulshada ee Internet-ka.

Xoghayaha warfaafinta ee SSC oo la hadlay BBC Daahir Cabdirisaaq Axmed ayaa xaqiijiyay in waxa ku dhacay miyiga deegaanka Kalcad oo u dhaxaysa degamada Taleex iyo Godaale uu yahay gantaal habow ah.

Daahir ayaa sheegay in dadka deegaanku u sheegeen Maamulka in xilli hore oo ooga waaberi ah ay maqleen guuxa waxa dulmaraya basle ay aamineen inuu ahaa diyaarad.

Mar wax laga waydiiyay sida ay ku xaqiijiyeen in burburkan uu yahay diyaarad aan duuliye lahayn iyo gantaal ayuu xoghaye Daahir, sheegay in haya’addaha ammaanka iyo saaraakiisha tagay goobta ay xaqiijiyeen uu ahaa gantaal.

Daahir, wuxuu sheegay in dadka deegaanka ay rumaysan yihiin inuu ka soo dhacay dhanka jihada bari ee kaga beegan badda cas balse aysan SSC-Khaatumo aysan si rasmi ah u xaqiijin karin halka uu ka yimid iyo cida soo riday toona.

Si kastaba, dadka deegaanka u xaqiijiyeen SSC-Khaatumo, waxay rumaysan yihiin gantaalku ka yimid jiidda dhanka bariga kaga beegan xaga badda cas.