Maamul goboleedyada Soomaaliya oo xiriirka u jaray Wasaaradda Maaliyadda ee dowladda Federaalka

Wasaaradaha Maaliyadaha ee shanta dowlad goboleed ee xubnaha ka ah dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa xiriirka u jaray Wasaaradda Maaliyadda ee xukuumadda dhexe ee Soomaaliya.

 

Warqad ay ku wada saxiixan yihiin wasiirrada maaliyadda ee shanta dowlad goboleed, ee kala ah Puntland, Galmudug, Jubbaland, Koonfur-galbeed iyo Hir-shabeelle ayaa lagu faafiyay baraha bulshada.

30-ka August, 2022