Maamulada Galmudug iyo Puntland oo War kasoo saaray dhibaatada ka taagan Gaalkacyo

Gudoomiyeyaasha magaalada Gaalkacyo ee maamulada Puntland iyo Galmudug oo maanta Kormeer ku sameeyay Suuqyadda Magaalada Gaalkacyo ayaa Go’aamo adag kasoo saaray dhibaatada maalmihii lasoo dhaafay Shacabka Gaalkacyo ka heysatay diidmada lacagta Shilinga Soomaaliga.

Gudoomiyaha Gaalkacyo ee Galmudug Xirsi Yuusuf Barrre ayaa sheegay in ay saakay Kormeereen Suuqyadda Magaalada Gaalkcyo,islamarkaana ay amar ku bixiyeen in Ganacsatadda ay qaataan lacagta Shilinga Soomaaliga.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in aysan aqbali doonin dadka Shacabka in dhibaato loo geysto oo ganacsato ay lacagta ku dhibaateeyaan.

Sidoo kale Gudoomiyaha Magaalada Gaalkacyo ee Puntland Maxamuud Yaasiin Axmed Tumay ayaa dhankiisa  sheegay in ay tahay nasiib daro in lacagta Shilinga Soomaaliga laga diido Gaalkacyo.

Waxaa uu sheegay Tumay in ay halis ku tahay arintaasi dadka danyarta ah ee kunool Gaalkacyo.

Waxaa uu sheegay in ay maxkamad keeni doonaan ciidii diida lacagta Shilinga Soomaaliga,islamarkaana dhammaan ay la hadleen Ganacsatadda Gaalkacyo.

Ganacsatadda Gaalkacyo ayaa shalay diiday qaadashadda lacagta Shilin Soomaaliga ka dib markii ay sheegeen in lacago Faaliso ah ay Magaalada soo galeen.