Maamulada Puntland iyo Somaliland Oo dhaq dhaqaayo Ciidam Kawada deegaano Katirsan G/Sanaag

Saacadihii la soo dhaafay waxaa deegaano ka tirsan Gobolka Sanaag kusii qul qulayay Ciidamo ka tirsan kuwa Millateriga Soomaaliland,kuwaas oo shalay gaaray deegaanka Yubbe ee gobolkaasi, waxaana Ciidamadaas iyo dhaq dhaqaaqyada ay wadaan ka hadlay Maamulka Puntland.

Taliyaha ciidanka magaalada Dhahar ee Puntland Gaashaanle sare Siciid Cali Cumar  oo la hadlayay Warbaahinta ayaa sheegay inay ka warhayaan Ciidamada Soomaaliland ay keentay deegaano ka tirsan gobolka Sanaag, hayeeshee uu sheegay in aysan wax dhaq dhaqaaq ah sameyn karin.

Waxa uu hadalkiisa intaasi ku daray taliyaha in Ciidanka Daraawiishta Puntland ee ku sugan deeganadaasi ay ku jiraan heegan buuxa, isla markaan aay ka hortagayaan damaca Soomaaliland sida uu hadalka u dhigay.

Xiisadii dagaal ee u dhaxeysay Soomaaliland iyo Puntland ee ka taagneyd deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool ayaa haatan u muuqata mid u soo wareegtay dhinaca Gobolka Sanaag, waxaana dadka ku sugan deegaanka Yubbe iyo deegaanada kale ee Gobolkaas ay walaac ka muujiyeen Ciidamada ay Soomaaliland geysay.

Taliyaha qeybta Saddexaad ee Ciidamada Soomaaliland Gaashaanle Sare Feysal Cabdi Bootaan ayaa ku sugan deegaano ka tirsan gobolka Sanaag, waxaana mar uu la hadlayay Ciidamada Soomaaliland uu sheegay inay iska difaacaaan cidkasta oo kusoo xadgudubta deegaanadooda.