Maamulada Puntland iyo Somaliland oo hadalo xanaf leh hawada isku Mariyay

Wasiirka Warfaafinta Puntland Cabdilaahi Cali Xirsi Timacade oo la hadlay warbaahinta ayaa ka jawaabey hadal kaaso yeeray dhiggiisa Wasiirka Warfaafinta Somaliland Saleeban Cali Koore.

ā€¯Waxaan rabaa inaan u sheego Saleeban in dhulka madaxweyne Deni ka hadlay uu yahay Puntland haddii ay Somaliland iskaaga bixi weydaana uu dhig ku dadaan doono, waxaa saka ku arkayey baraha bulshada ceel-biyood laga qoodayey Sool iyo cayn oo u joojiyey wasiirka biyaha maamulkaas una ku tilmaamey sharci daaro, Taasa saleeban ku filaan gumeysiga lagu haayo dadka reer Sool iyo Caynā€¯.Ayuu yiri Wasiir Timacadde.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in Puntland ay ka go,an tahay in ay gacanteeda kusoo celisoĀ  degaanada ka maqan.

Wasiirka Warfaafinta Somaliland Saleymaan Cali Koore ayaa maanta sheegay in Madaxweynaha Puntland uu iclaamiyay dagaal ka dhan Somaliland, xilli uu doonayay dhul ay Somaliland ka taliso,isagoo sheegay in ay isdifaaci doonaan.