Maamulaha Bangiga Dhexe ee Galmudug oo isdiiwaangeliyay Doorashada Qof iyo Cod ee Dalka.

Dhuusamareeb – 8-da Luulyo, 2025

Maamulaha Bangiga Dhexe ee Galmudug State, Mudane Abdulrazak Mohamed Abdi, ayaa maanta si rasmi ah isku diiwaangeliyay magaalada Dhuusamareeb, isaga oo u diyaar ah in uu ka qeyb qaato doorashada qof iyo cod ah ee soo socota.

Mudane Abdulrazak ayaa tallaabadan ku tilmaamay “guul taariikhi ah”, isaga oo carrabka ku adkeeyay in isdiiwaangelintu ay tahay fursad dahabi ah oo muwaadin kasta ku muujin karo codkiisa iyo doorashadiisa xorta ah.

“Waa guul taariikhi ah in aan maanta iska diiwaan galiyo Dhuusamareeb, aniga oo u diyaar ah doorasho qof iyo cod ah. Waxaan ugu baaqayaa shacabka, saaxiibaday iyo dhammaan bulshada in ay iyaguna isdiiwaangeliyaan, waayo saakay aniga ayaa is tuuray, idinkana waa waqtigiinii,” ayuu yiri Maamulaha Bangiga Dhexe ee Galmudug.

Isdiiwaangelinta ayaa ka mid ah wajiyada muhiimka ah ee hannaanka dimoqraadiyadeed ee dalka, waxaana tallaabada uu qaaday Maamulaha Bangiga Dhexe loo arkaa dhiirrigelin iyo tusaale hoggaamineed oo ku aaddan ka qeybgalka codbixinta shacabka.

DHAMMAAD