Maamulk Hirshabeelle oo ku dhawaaqday dagaal ka dhan ah Al Shabaab

Ku-simaha madaxweynaha ahna madaxweyne ku xigeenka maamulka Hirshabeelle Cali Cabdulaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa wuxuu sheegay in dowladda dhexe ay isla soo garteen sidii wax looga qaban lahaa dhibaatada amni ee heysata shacabka Hirshabeelle, kadib markii uu ku laabtay magaalada Jowhar.

Wuxuu sheegay madaxda Hirshabeelle inay horkacayaan dagaal ka dhan ah Al Shabaab, kaasi oo looga saarayo degaanada Shabaab ay ka joogaan Hirshabeelle, iyada oo la kaashanayo shacabka.

“Waxaan ugu maqneyn Muqdisho arrimo shaqo guul ayayna noogu soo dhamaadeen, waxaana aan isla garanay dowlada dhexe in aan horkacno sidii shacabka Hirshabeelle loogaga dulqaadi lahaa kooxda nabad diidka ah.” ayuu yiri Cali Cabdulaahi Xuseen.

Cali Guudlaawe ayaa ammaan u soo jeediyay koox la magac baxday macawuusleyda oo dhawaan kula dagaalantay dagaalamayaasha Al Shabaab deegaano ka mid ah gobolka Shabeellaha Dhexe.

“Tacsi ayaan u dirayaa raggii qaaliga ahaa ee ku shahiiday dagaal ay la galeen kooxda nabad diidka kuwaas oo is abaabulay markii ay u adkeysan waayeen dhibaatada lagu hayo”. ayuu sii raaciyay Cali Guudlaawe Xuseen

Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle Cali Cabdulaahi Xuseen ayaa ugu baaqay shacabka Hirshabeelle inay hubka qaataan oo ay taageeraan maamulkooda, si Shabaab looga saaro Hirshabeelle.