Maamulka Degaanka Garasbaaley Oo Sheegay in Ay gacanta ku dhigay nin kufsi Geystay

Maamulka degaanka Garasbaaley ayaa waxa ay sheegeen in ciidamada ammaanka ay gacanta ku dhigeen nin Da’diisa ay la egtahay 40 sano oo kufsi u gesytay gabar yar oo 11 sanojir ah.

Guddoomiyaha degaanka Garasbaaley C/raxmaan Axmed Cali (Garyare) ayaa sheegay gabadhan reerkeeda in ay ku nool yihiin magaalada Jowhar, ayna ka soo wadatay Haweeney si ay ugu shaqeyso, waxaana muddo ay ku nooleed agaggaarka COCA-COLA.

Wuxuu sheegay Guddoomiye (Garyare) markii dambe gabadha in loo soo wareejiyay degaanka Garasbaaley, halkii markii hore ay joogtayna uga soo tagtay arrimo jiro darteed, kadibna ay la kulantay dhibaatadan.

Sidoo kale wuxuu sheegay Guddoomiyaha in ay soo qabteen gabadha masuulka ka aheyd iyo ninkii falka dhibaatada ah u geystay gabadha oo hada ku jira gacanta Hay’adaha ammaanka, si sharciga loo horgeeyo.

“Saddex maalin kahor ayaa ka dhacday degaanka, taasi oo ah in gabar yar oo 11 sano jir ah uu kufsaday nin 40 sano jir ah, gabadha markii hore waxaa laga keenay magalada Jowhar, si ay ugu shaqeyso qoys degan degaanka, Hay’adaha amniga ayaan u gudbinay Islaanta masuulka ka aheyd gabadha iyo ninka falka geystay.” Ayuu yiri Gudoomiye Garyare.

Ehelada gabadha lagu dhibaateeyay degaanka Garasbaaley ayaa dalbaday in maxkamad la soo taago dambiilaha dhibaatada u gaystay gabadhooda.