Maamulka G/Banaadir Oo Ka Hadlay Burcad Lagu Qabtay Bakaaraha

Gudoomiye Ku xigeenka dhanka ammaanka & Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir Mohamed C/laahi Tuulax, ayaa soo dhaweeyay tallaabada ciidamada Booliska ay ku soo qabteen laba ka mid ah rag Burcad ahaa oo dadka ku dhacaayay Suuqa Bakaaraha.

Gudoomiye Ku xigeenka dhanka ammaanka & Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay, kadib hawlgal ay sameeyeen ciidamada inay ku guuleysteen soo qabashada labadan Burcadda ah.

“Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir oo gacanta ku soo dhigay laba ka mid ah dabley dhac ka geysanaayay gudaha suuqa bakaaraha.” Ayuu yiri Gudoomiye Ku xigeenka dhanka ammaanka iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir.

Isaga oo hadalka siiwata ayaa Gudoomiye ku xigeenka dhanka ammaanka Gobolka Banaadir, wuxuu sheegay muhiim inay tahay Suuqa Bakaaraha inuu noqdo goob ka caagan Burcadda oo Bulshada si nabadgelyo leh ugu ganacsadaan.

“Suuqa Bakaaraha waa inuu noqdaa goob ganacsi oo si nabadgalya ah shacabku ugu ganacsadaan.” Ayuu yiri Gudoomiye Tuulax.