DHEGEYSO;>Maamulka G/Banaadir Oo Ku Dhawaaqay Dardar Gelinta Qorshaha Amniga Caasimadda

Guddoomiye ku-xigeenka amniga ee Gobolka Banaadir Maxamed Cabdullaahi Tuulax ayaa ku amaanay ciidamada amniga dadaallada ay ugu jiraan xaqiijinta Nabad gelyada Caasimadda, isagoo markale shacabka ku booriyay inay sii labo jibaaraan la shaqeynta ciidanka.

Guddoomiye ku-xigeenka oo ka hadlay bishii Ramadan ee aynu ka soo gudubnay inay noqotay tii ugu horeysay ee aan magaalada wax qalaaso ah ka dhicin, isagoo arrimahaasi ku amaanay ciidamada xasilinta caasimadda oo garab ka helaya shacabka Muqdisho.

“Runtii ma nagu filna hal bil oo aan qarax dhicin, aragtideenu waxa ay tahay in aan gaarno hadaf ah in sanad iyo labo sano aysan magaalada ka dhicin wax qarax ah, ayuu yiri Guddoomiye Tuulax.

Guddoomiye ku-xigeenka oo ka hadlay bishii Ramadan ee aynu ka soo gudubnay inay noqotay tii ugu horeysay ee aan magaalada wax qalaaso ah ka dhicin, isagoo arrimahaasi ku amaanay ciidamada xasilinta caasimadda oo garab ka helaya shacabka Muqdisho.

Hoos Ka Dhageyso Codka Guddoomiye ku xigeenka