Guddoomiye kuxigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Cabdullaahi Tuulax ayaa sheegay in degmooyin kamid ah kuwa Galbeed ee Gobolkan Banaadir ay ka socdaan howlgallo Amniga lagu xaqiijinayo,sidoo kalena looga hortagayo falal amni darro oo ay fuliyaan Al-Shabaab.
Waxaa uu sheegay in dhowr jeer degmooyinka Galbeed ee gobolkan Banaadir laga soo tuuray hoobiyeyaal lagu weeraray Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Muqdisho,hayeeshee Maamulka Gobolka Banaadir iyo laamaha Amniga ay u diyaarsan yihiin inay weeraradaas ka hortagaan.
Sidoo kale waxaa uu Gudoomiye Tuulax hadalkiisa intaasi ku daray in laamaaha amniga Soomaaliya looga baahan yahay inay dardar geliyaan howlaha sugida Amniga,isla markaana ka hortagaan cid kasta oo lidi ku ah amniga,waxaana uu u mahad celiyay Ciidamada howlgallada ka wada Magaalada Muqdisho.
Hadalkaan ayaa waxaa uu sheegay Guddoomiye kuxigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Cabdullaahi Tuulax xilli xalay uu howlo kormeer amni ah ku tegay degmooyinka Galbeed ee Gobolkan Banaadir,sida Wadajir, Dharkeenleey iyo Kaxda ee Magaalada Muqdisho.