Maamulka G/Banaadir oo sheegay in lasoo badbaadiyey dhammaan Shaqaalihii iyo Madaxdii kusugnaa Xarunta Dowlada hoose ee Xamar halkasi oo ay AS weerar kusoo qaadeen.

Gudoomiye kuxigeenka Amniga iyo Siyaasada maamulka gobolka Banaadir Maxamed Yabooh ayaa ka hadlay weerarka ka socda gudaha xarunta Aqalka dowladda hoose ee Xamar.

Mudane Yabooh ayaa sheegay in la soo badbaadiyay mas’uuliyiin badan iyo shaqaale ka tirsan maamulka gobolka Banaadir, asaga oo sii carabaabay in howlgalka lagu soo afjarayo kooxdaan wareerka soo qaaday uu yahay mid wali socoda.

“Alle ayay mahad u sugnaatay dhamaan Madaxdii maamulka sare ee Gobolka Benaadir wey nabad qabaan. Weerarka maanta ay kusoo qaadeen Alshabaab xarunta dhexe Gobolka Banaadir, inta badan shaqaalaha waa la soo badnaadiyay, welina waxaan kujirnaa howl-galka” ayuu ku yiri qoraal uu Facebook ku daabacay Yabooh.

Taliyaha booliska gobolka Banaadir Macalin Mahdi ayaa kamid ah saraakiisha hoggaamineysa howlgalka socda, iyadoo mararka qaar la maqlayo rasaas culus iyo qaraxyo.

Shabaab oo ka hadashay weerarkan ayaa sheegatay in dabley ka tirsan ay gudaha toogasho ka wadaan, wuxuuna weerarkan kusoo beegmayaa xili Shabaab magaalooyin badan laga qabsaday oo ay mudo ka talinayeen kuwaasi oo dhaca gobolada bartamaha soomaaliya.