Maamulka G/banaadir Oo sheegay in rag hubeysan lagu dilay Kaxda SAWIRO)

Maamulka gobolka Banaadir ayaa faahfaahin ka bixiyay weerar maanta ka dhacay degmada Kaxda ee gobolka Banaadir.

Gudoomiye ku xigeenka gobolka Banaadir Maxamed Cabdullaahi Tuulax iyo Afhayeenka ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa sheegay in Ciidanka Ammaanka ay weerar ku qaadeen rag hubeysan oo dadka kunool degmada Kaxda dhibaato ku haayay.

Tuulax ayaa sheegay in maamulka gobolka Banaadir uusan aqbali doonin in la dhibaateeyo Shacabka kunool degmada Kaxda, waxaana uu sheegay in ay toogteen rag hubeysan oo Isbaaro u taallay.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa sheegay in howlgalka uu u dhacay sidii loogu tala galay, islamarkaana ay shacabka ka hor wareejiyeen Kooxihii Isbaarada dhigtay.

Sidda ay warbaahinta  u sheegeen Qaar ka mid ah dadka kunool degmada Kaxda gaar ahaan halka loo yaqaano MCH-ka, waxaa dagaalkaasi ku dhintay labo Askari oo ka tirsan Ciidamada Milatariga Soomaaliya, waxaana sidoo kale jira dhaawacyo soo gaaray Ciidanka Booliska.