Maamulka G/Shabelaha hoose Oo War Ka Soo Saaray howgalada Ay Wadaan Ciidanka Dowladu

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Ibraahim Aadan Cali Najax ayaa ka hadlay howlgalalda Ciidamada Dowladda Soomaaliya gaar ahaan kuwa DANAB ay ka wadaaan deegaano ka tirsan Gobolkaas.

Guddoomiye Najax waxaa uu sheegay in howlgalka uu yahay mid qorsheysan oo ay ciidamadu wadaan,waxana uu Shacbaka Gobolka Shabeellaha Hoose ka dalbaday inay la Shaqeeyaan Ciidamada.

Waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray in Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ay weli diyaar u yihiin inay howlgallo kale ka fuliyeen Shabeellaha Hoose, isla markaana ay uga saari lahaayeen Al-Shabaab.

Hadalka Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Ibraahim Aadan Cali Najax ayaa kusoo aadaya xilli dhawaan Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay la wareegeen degmada Awdheegle iyo tuulooyin hoostaga.