Maamulka Galmudug ayaa Qorshaynaya in la dhisayo Gole Guurti oo dhammaan Dhaqanka Galmudug ay ku mideysanyihiin

Madaxwayne ku xigeenka Galmudug Cali Daahir ayaa sheegay in Maamulka Galmudug uu qorshaynayo in la dhiso Gole Guurti oo dhaqanka Galmudug ku midaysan yihiin Golahaasina waxa uu noqan doonaa mid Nabada ka shaqeeya.

Dhinaca kale Cali Daahir Ciid Madaxwayne ku-xigeenka Galmudug oo Hadalkaan ka jeediyey Munaasabad lagu Caleemasaarayey Mid ka mida Nabadoonada Beelaha Galmudug ayaa sheegay in Dhaqankoo Munaasabado loo qabto ay ifinayso Nabad iyo Barwaaqo soo socota Dhaqankoo la wayneeyana ay tahay Nabadoo la yewneeyo tanina waxay Astaan u tahay in Galmudug Wadadii Nabada ku socoto.

Madaxwayne ku xigeenka Galmudug ayaa Hadalkiisa ku soo gabagabeeyey in Nabada laga wada shaqeeyo Dhaqakii oo dhan ayaana halkaan fadhiya Galmudugna saacadaan laga bilaabo colaad dambe uma baahna waana inaan Beelaha wada heshiisiino oo aan dib uheshiisiintii sii balaarino is dilkuna wax faa’iidaa oo laga helayo malahan.

Marka loo fiuriyo sida ay u dhacaan Colaadaha Beelaha Deegaanada Galmudug dhinacyada Dagaalama ayaa u baahan Heshiisiin Qota dheer Miiska wada hadalkana la isugu keeno dhinacyada wax kala gaaraan Xalkana lagu doono Wadiiqada saxda ah taasoo ku ridaysa Toobiyaha Nabada