Maamulka Galmudug Oo markale Edeyn ujeediyay Madaxweyne farmaajo

Wasiirka Warfaafinta maamulka Galmudug Maxamuud Aadan Cusmaan Masagaway oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Dhuusamareeb ayaa ku eedeeyay dowladda Soomaaliya ay dhibaato ku heyso degaanada maamulka Galmudug.

Waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku heyso faragelin maamulka Galmudug , islamarkaana Magaalada Muqdisho ay kasoo dirtay Wafdi uu hoggaaminaayo Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir.

Wasiirka ayaa sidoo kale tilmaamay in dhaqaalle lagu bixinaayo burburinta maamulka Galmudug, islamarkaana Galmudug ay qaadi doonto tilaabo waafaqsan Sharciga.

Shacabka Magaalada Cadaado ayuu ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan Nabadgelyadda, waxaana uu sheegay in aan la aqbali doonin in la waxyeeleyo Nabad iyo dib u heshiisinta Galmudug.