Maamulka Garoonka Diyaaradaha Aden Adde oo soo saaray ogeysiis rasmi ah oo ku saabsan xirnaanshaha garoonka diyaaradaha magaalaga muqdisho.

Maamulka Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Aden Adde ayaa soo saaray ogeysiis rasmi ah oo ku saabsan xirnaanshaha garoonka, iyadoo lagu wargelinayo shacabka Soomaaliyeed, hay’adaha safarrada (Travel Agencies) iyo shirkadaha diyaaradaha in garoonku uu xirnaan doono maalinta Khamiista, oo ku beegan 25-ka bisha December 2025.

Xirnaanshahan ayaa la xiriira qabsoomidda doorashooyinka maxalliga ah (Local Elections), kuwaas oo u baahan in la qaado tallaabooyin amni iyo nidaam gaar ah si loo sugo nabadgelyada guud iyo habsami u socodka doorashada.

Inta uu socdo xirnaanshaha, duulimaadyada imanaya iyo kuwa ka baxaya Garoonka Aden Adde ayaa si ku-meel-gaar ah loo joojin doonaa, waxaana lagu boorinayaa dhammaan dadka safarka qorsheynaya in ay dib u eegaan jadwalkooda, isla markaana ay la xiriiraan shirkadaha diyaaradaha iyo hay’adaha ay ka go’an yihiin tigidhada.

Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in tallaabadan ay tahay mid lagama maarmaan u ah xaqiijinta amniga, iyagoo ka codsaday bulshada iyo shirkadaha ay khuseyso in ay muujiyaan dulqaad iyo faham buuxa.

Garoonka Aden Adde ayaa lagu wadaa in uu dib ugu laabto shaqadiisa caadiga ah kaddib marka ay dhammaato muddada xirnaanshaha, iyadoo ogeysiis dambe laga soo saari doono waqtiga rasmiga ah ee dib-u-furista.