Maamulka Gobolka Banaadir oo Ardayda Fasalka 8-aad La Qaatay Farxadda Gunaanadka Imtixaanka Shahaadiga ah

Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), oo uu wehliyo Agaasimaha Guud ee Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir, Mudane Cabdiraxmaan Cali Maxamed, ayaa maanta la wadaagay ardayda fasalka 8-aad ee dhammaystay Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiyada Dhexe farxadda iyo dabaaldegga gunaanadka imtixaanka.

Ardaydan oo ka kala socday dugsiyada Gobolka Banaadir ayaa munaasabado farxadeed ku qabsaday fagaarayaal kala duwan oo ku yaalla magaalada Muqdisho, iyagoo muujiyay raynrayn iyo farxad weyn kadib dhammaadka marxalad muhiim ah oo waxbarashadooda ka mid ah.

Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir, Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), ayaa ardayda u diray hambalyo iyo bogaadin, isagoo ku ammaanay dadaalka, dulqaadka iyo adkaysiga ay muujiyeen intii ay ku jireen waxbarashada iyo muddadii imtixaanka.

Wuxuu sheegay in guusha ay maanta ardaydu u dabaaldegayaan ay tahay mid ka dhalatay dadaalkooda joogtada ah, taageerada waalidiinta, iyo doorka macallimiinta oo si weyn uga qayb qaatay tayeynta iyo horumarinta aqoonta jiilka soo koraya.

Sidoo kale, Guddoomiye Yabooh ayaa ardayda u rajeeyay natiijooyin wanaagsan iyo mustaqbal ifaya, isagoo carrabka ku adkeeyay in Maamulka Gobolka Banaadir ay ka go’an tahay horumarinta waxbarashada iyo dhiirrigelinta dhallinyarada Soomaaliyeed, si ay u noqdaan hoggaamiyeyaal iyo aqoonyahanno mustaqbalka dalka hoggaamiya.

Ugu dambeyntii, mas’uuliyiinta Gobolka Banaadir ayaa xusay in waxbarashadu ay tahay furaha horumarka, isla markaana lagu dadaali doono sidii loo sii xoojin lahaa tayada iyo fursadaha waxbarasho ee ardayda Soomaaliyeed.