Maamulka Gobolka Banaadir oo dhagaxdhigay Waddo muhiim ah taasi oo loogu magac daray madaxweyne Cali Mahdi Allah ha u naxariistee.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Degmada Cabdicasiis ee Magaalada Muqdisho ka dhagax-dhigay Waddo Laami ah oo loogu magac-daray Allaha u naxriisto Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed.

Wadadaan oo isku xerta Laamiga weyn ee Gaadiidka iyo Laamiga Liido, ayaa waxa ay dhex marta Suuq-yaraha Degmada Cabdicasiis.iyadoona munaasabadda dhagax-dhiga ay goobjoog ka ahaayeen Guddoomiyaha Degmada Cabdicasiis Marwo Ubax Roda, qaar ka mid ah Agaasimeyaasha Guud iyo Agaasime waaxeedyada Gobolka Banaadir, Odayaasha deegaanka iyo Bulshada qeybahooda kala duwan.

Guddoomiyaha Degmada Cabdicasiis Marwo RodaCabdi Cali (Ubax Roda) ayaa sheegtay in dhismaha wadadaan ay baahi weyn u qabeen bulshada Soomaaliyeed, maadaama Degmada Cabdicasiis ay tahay Degmo dalxiis oo ay isugu yimaadaan dhamaan bulshada qeybahooda kala gedisan, waxa ayna wadadaan hal-bowlo u tahay isku socodka bulshadana iyo isku xerka Xeebta Liido iyo Magaalada inteeda kale.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ku amaanay Bulshada iyo Maamulka Degmada Cabdicasiis sida ay isaga kaashanayaan dhismaha wadadaan, asigoona dhinaca kale ugu digay shirkada gacanta ku heysa dhismaha wadadaan in lagula xisaabtami doonno tayada wadadaan, si loo helo Laami tayadiisu ay sareyso.