Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta si rasmi ah u ansixiyay miisaaniyadda sanadka 2026, taas oo gaareysa 63 milyan oo doollar. Ansixintan ayaa timid kaddib kulan ay yeesheen masuuliyiinta maamulka, iyadoo diiradda lagu saaray qorsheyaasha horumarineed iyo baahiyaha ka jira caasimadda Muqdisho iyo degmooyinka hoos yimaada.
Miisaaniyadda la ansixiyay ayaa loogu talagalay fulinta hawlo kala duwan oo mudnaan leh, kuwaas oo ay ka mid yihiin horumarinta adeegyada bulshada, xoojinta amniga, dhismaha iyo dayactirka kaabayaasha dhaqaalaha, iyo tayeynta hannaanka maamulka ee gobolka. Qorshayaashan ayaa la filayaa in ay si toos ah u taabtaan nolosha shacabka, isla markaana ay kor u qaadaan adeegyada aasaasiga ah.
Mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in miisaaniyaddan ay ka tarjumeyso baahiyaha dhabta ah ee jira, iyagoo adkeeyay in lagu shaqeyn doono hufnaan iyo daahfurnaan, lana hubin doono in dhaqaalaha si cadaalad ah loogu qaybiyo dhammaan degmooyinka gobolka.
Sidoo kale, maamulka ayaa xusay in la xoojin doono nidaamka isla xisaabtanka iyo kormeerka mashaariicda, si loo xaqiijiyo in miisaaniyadda la ansixiyay ay keento natiijooyin muuqda oo la xiriira horumarinta amniga, adeegyada bulshada iyo kaabayaasha dhaqaalaha.
Ansixinta miisaaniyadda 2026 ayaa loo arkaa tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo dadaallada horumarineed ee Gobolka Banaadir, iyadoo la filayo in ay gacan ka geysato kobaca dhaqaale iyo horumar waara oo ay ka faa’iideystaan dhammaan shacabka ku nool caasimadda.