Maamulka Gobolka banaadir Oo qabtay Dad lagu eedeyay in Ay Kuhowlanaayeen sameynta Dokumenti been abuur ah

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) ayaa u digay shaqsiyaadka ku howlan sameynta sharciyada been abuurka ah ee lagu xalaalaysanayo dhulalka dadweynaha, iyadoo ciddii lagu helana caddaaladda la horgeyn doonno lagana qaadayo tallaabo sharciga waafaqsan.

Waaxda Maamulka Dhulalka ee Gobolka Banaadir ayaa qabtay labo shaqsi oo Dokumenti been abuur ah ku raadinayey in Dubli-kaato loogu sameeyo, ahaana dhul ay leeyihiin muwaadiniin Soomaaliyeed, waxaana lagu wareejiyey laamaha amniga iyo Xeer Illaalinta Guud si baaritaan dheeraad ah loogu sameeyo.

Guddoomiyaha ayaa kula dar-daarmay shacabka ku nool caasimadda in laga feejignaado sharciyada been abuurka ah oo ah fal-danbiyeed qofkii lagu helo uu ku mudan karo ciqaab adag.

Maamulka Gobolka Benaadir ayaa horey tallaabo uga qaaday shaqsiyaad ku howllanaa sameynta Warqado been abuur ah, waxaana la horgeeyey Caddaaladda, tanna waxay caddayneysaa in maamulku aanu u dulqaadanayn musuq-maasuqa iyo sameynta sharciyada suuqa madow.