Maamulka gobolka Banaadir oo Sheegay in Ay burburiyeen dhismayeyaal Sharci daro ah +SAWIRO

Ka dib markii dhawaan Gudodoomiyaha gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow uu amray in la baneeyo Garoonkii Kooxda Jeenyo ayaa maanta Maamulka Gobolka Banaadir waxa uu bur buriyey dhismaha Garoonkii Kubadda Cagta Jeenyo kaas oo la sheegay in si sharcidarro ah loo dhistay.

Waaxda Howlaha Guud ee gobolka Banaadir ayaa saaka cagta marisay dhismayeyaal ku yaallay halkaasi ka dib markii la sheegay in Sharci daro lagu dhisay.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa goob joog ahaa xilligii Burburinta lagu waday garoonka Jeenyo.