Maamulka Gobolka Banaadir oo soo saaray Amaro adag oo ku socda Ganacsatada Iyo milkilayaasha Hoteelada.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo shir jaraa’id qabtay ayaa soo saaray amaro ku socda shacabka Soomaaliyeed, kuwaas oo ku aadan bisha Ramadaan iyo hab-dhaqanka bulshada.

Guddoomiye Madaale ayaa amar ku bixiyey in maqaayadaha ku yaalla Muqdisho aan la furi karin maalintii inta lagu guda jiro bisha Ramadaan, isagoo ciidamada booliska faray inay si adag ula dagaalamaan masoomeyaasha.

Sidoo kale wuxuu ka hadlay xafladaha iyo aroosyada, wuxuuna sheegay in habeenkii wixii ka dambeeya 12:00 am aysan sii furaa karin hoteelada lagu dhigo aroosyada.

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa ka hadlay maan-dooriyaha isagoo sheegay in tukaankii lagu dhex arko daroogo uu burburi doono maamulka gobolka Banaadir.