Maamulka Gobolka banaadir Oo walaac kamuujiyay Xaalada Baraacayaasha ku nool Duleedka Muqdisho

Mas’uulliyiin sare oo ka socday Maamulka Gobolka Benaadir ayaa deeq gaarsiiyey qaar kamid ah xeryaha dhaca duleedka Caasimadda oo ku nool yihiin boqolaal kamid ah bulshada nugul ee soo barakacay. Waxayna walaac ka muujiyeen xaaladdooda, iyagoo ku baaqay in la sameeyo gurmad deg-deg ah oo wax loogu qabanayo.

Goobaha deeqda la gaarsiiyey waxaa kamid ah xerooyinka ku yaalla degmada Kaxda iyo deegaanka Garasbaaleey, halkaas oo loogu qeybiyey agab ay uga gaashaantaan roobabka iyo qabowga dhacaya, maadaama lagu jiro xili roobaad.

Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Bulshada ee Maamulka Gobolka Benaadir Marwo Basmo Caamir Axmed ayaa sheegtay in barakacayaasha ku nool daafaha iyo Gudaha Caasimaddu u baahan yihiin jawaab deeqsinimo leh iyo gurmad wax ku ool ah oo ku soo aada waqtiga loo baahan yahay.

 Marwo Basmo waxay ka codsatay dadka Soomaaliyeed iyo hay’adaha gargaarka ee caalamiga ah inay u soo gurmadaan barakacayaasha maadaama kuwo badan oo ayaga ka mid ah ay khatar ku jirto noloshooda, iyadoo raacisay inay dadkan ku qaadan doonto muddo fog si ay dib ugu kabsadaan haddii aysan helin gargaar.

Maamulka Gobolka Benaadir ayaa bilaabay olole wax looga qabanayo xaaladaha nololeed ee barakacayaasha, iyadoo qorshuhu yahay in gurmadka ka sakow la sameeyo dib-u-dajin iyo deegaameyn. Maadaama abaaraha ba’an ee soo noq-noqday ee ka jira deegaanno badan oo Soomaaliya ka mid ah ay barakiciyeen dad badan, kuna khasabeen inay ka haajiraan guryahooda si ay cunto iyo hoy uga raadsadaan xeryaha dadka barakacay.