Maamulka Gobolka Banaadir oo xalay sameeyay hawlo burburin ah

Waaxda gaadiidka dowladda hoose ee Xamar ayaa xalay hawlgal ay ka sameeyeen wadada isku xirta Isgoysyada Black Sea iyo Bakaaraha ee loo yaqaano Kacaan waxa ay ku burburiyeen goobo badan oo sharci daro ah.

Masuuliyiinta maamulka gobolka Banaadir ayaa waxa ay sheegeen goobahan la burburiyay in ay lidi ku ahaayeen amniga guud, nadaafadda iyo bilicda suuqa weyn ee Bakaaraha.

Guddoomiye kuxigeenka Koowaad ee amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir Maxamed C/laahi Maxamed (Tuulax) ayaa soo kormeeray inta uu socday hawlgalkan, wuxuuna warbixin ka dhageystay maamulada degmooyinka Hodan iyo Hawlwadaag oo hawlgalkan qeyb ka ahaa.

Guddoomiyaha degmada Hawlwadaag C/kariin Cali Kaar ayaa yiri “Wadada wey xirneyd dhibaatooyin badana way ku heysay degaanka oo ay ammaan darada, nadaafad xumnida iyo ciriiriga wadooyinka ay ka mid yihiin, waxaan rabnaa in ay yimaadaan wax qurxoon, dadweynaha ku ganacsada waxaan u sheegeynaa in ay mamnuuc tahay in wadadan alaab kale soo dhex dhigaan.”

Guddoomiye kuxigeenka Koowaad ee amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir Maxamed C/laahi Maxamed (Tuulax) ayaa sheegay in maamulka gobolka uusan u dulqaadan doonin wax walba oo lidi ku ah amniga iyo nadaafadda magaalada Muqdisho.

“Meeshaan xitaa caafimaadka uma fiicna, marka aad aragto sida ay tahay, aniga isma oraneyn wado nuucaan ah ayaa ku taalla magaalada Muqdisho, qofkii meeshaan bil ku ganacsanayay caafimaadkiisa qatar ayuu ku jiraa, qofka deegaan ahaan u deganaa maba ku sii jirto, habeenadii la soo dhaafay waxaan magaalada ka wadnay inaan dib u furno wadooyinka sharci darada loogu ganacsanayo.” Ayuu yiri Gudoomiye Tuulax.

Ugu dambeyntii Guddoomiye Maxamed Tuulax ayaa sheegay in ganacsatada qaar ay dib ugu soo laabtaan goobihii laga guuriyay, balse midaasi aysan aqbali doonin, cidii sharciga ka hor timaadana lala xisaabtami doono.