Maamulka gobolka Gedo ayaa faah faahin ka bixiyey dagaal geystay khasaaro isugu dhimasho iyo dhaawac kaas oo deegaano ka tirsan gobolkaas ku dhexmaray Al-Shabaab iyo Ciidamada dowladda Soomaaliya.
Maamulka ayaa waxa ay sheegeen in dagaalka uu yimid ka dib markii Ciidamada dowladda ay ka warheleen goob Al-Shabaab dadka ku dhibaateynayeen,isla markaana ay weerareen waa sida ay hadalka u dhigeen.
Guddoomiye Ku Xigeenka Gobolka Gedo  Cismaan Nuur Xaaji ayaa sheegay in deegaanka Saataalow iyo Luuq inta u dhaxeyso uu ka dhacay howlgalka,balse ay suurtagashay in Ciidamada Dowladda gacanta ku dhigaan hub iyo Gaadiid ay ka carareen Al-Shabaab.
Si kastaba warkan ka soo baxay Mas’uuliyinta Maamulka Gobolka Gedo Al-Shabaab weli wax jawaab ah kama bixin balse waxaa dadka deegaanka ay sheegeen in uu jiro dagaalka dhexmaray Ciidanka dowladda iyo Al-Shabaab.