Maamulka Gobolka Gedo Oo Sheegay In Ay dileen xubno katirsan Shabaab

Maamulka gobolka Gedo ayaa faah faahin ka bixiyey dagaal geystay khasaaro isugu dhimasho iyo dhaawac kaas oo deegaano ka tirsan gobolkaas ku dhexmaray Al-Shabaab iyo Ciidamada dowladda Soomaaliya.

Maamulka ayaa waxa ay sheegeen in dagaalka uu yimid ka dib markii Ciidamada dowladda ay ka warheleen goob Al-Shabaab dadka ku dhibaateynayeen,isla markaana ay weerareen waa sida ay hadalka u dhigeen.

Guddoomiye Ku Xigeenka Gobolka Gedo  Cismaan Nuur Xaaji ayaa sheegay in deegaanka Saataalow iyo Luuq inta u dhaxeyso uu ka dhacay howlgalka,balse ay suurtagashay in Ciidamada Dowladda gacanta ku dhigaan hub iyo Gaadiid ay ka carareen Al-Shabaab.

Waxa uu sheegay in sidoo kale ay tageen Al-Shabaab deegaanka Kabis,isla markaana ay sidoo kale markale ciidamada dowladda halkaasi tageen haatana ay iyaga ku sugan yihiin.

Si kastaba warkan ka soo baxay Mas’uuliyinta Maamulka Gobolka Gedo Al-Shabaab  weli wax jawaab ah kama bixin balse waxaa dadka deegaanka ay sheegeen in uu jiro dagaalka dhexmaray Ciidanka dowladda iyo Al-Shabaab.