Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka SODMA Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay Wasiirrada Gargaarka & Maaraynta Musiibooyinka Dowlad-Goboleedyada Jubbaland, Galmudug & Koofur Galbeed.
Kulankaan waxaa diiradda lagu saaray sidii wax looga qaban lahaa xaaladaha ka dhashay El-nino ee Daadadka roobka Dayrta iyo fatahaadda Webiyada Dalka oo sababay dhimasho, barakac, cunno la’aan, go’doon ay galeen qoysaska qaar & Hoy la’aan ku dhacday.
Wasiirrada Gargaarka & Maaraynta Musiibooyinka Galmudug Cabdiraxmaan Makaawi, Koofur Galbeed Cabdinaasir Cabdi Caruush & Jubbaland Cabdiraxmaan Maxamed ayaa dhankooda si wadajir ah ugu mahadceliyay Hay’adda SODMA.
Todobaadkii tegay waxa ay Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka SODMA gargaar bani aadamnimo oo xooggiisa ka yimid Dowladda Federaalka Ruushka ah ay u dirtay Dowlad-Goboleedyada halka ay haatan qorsheyneyso in kaalmo kale ay dirto.