Maamulka Hirshabeele Oo Katacsiyeeyay Dad kii Ku Waxyeelobay Qarixii Kadhacay Muqdisho

Madaxtooyada Dowladda Hirshabelle Oo Tacsi U dirtay ehelada Mas’uuliyiintii Ku Geeriyooday Xarunta Maamulka Gobolka Benaadir.

Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare iyo Madaxweyne ku Xigeenka Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray ehelada mas’uuliyiintii iyo dadkii shacabka ahaa ee shalay lagu gumaaday xarunta maamulka Gobolka Benaadir, waxaana eebe ay uga baryeen in uu ka waraabiyo janatul fardowsa, kuwa dhaawaca ahna uu eebe siiyo caafimaad taam ah.

Hirshabelle waxay ka xuntahay oo ay cambaareyneysaa weerarkaasi argagaxiso oo lagu beegsaday dad wax gal u ah bulshada Soomaaliyeed oo u istaagay in dadka iyo dalka ay u qidmeeyaan, waxaana sidoo kale tiiraanyada la qeybsaneysaa ehelada dadkaasi sida gardarada ah loo laayay, waxaana kuwa dhaawaca ah uu ugu horeeyo Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Craxmaan Cumar Cismaan Yariisow ay u rajeyneysaa in uu eebe uu caafimaad buuxa siiyo.

Weerarkaasi bahalnimada ahaa ayaa waxaa ku geeriyooday dhalinyaro fir fircoon oo door muhiim ka qaadanayay horumarinta Caasimada Muqdisho.